Dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia ayaa la sheegay inay ka faa’ideysan doonaan Barnaamij Cusub oo loogu talaglay in lagu kontoroolo dhaqdhqaaqa Xoolaha ka gudbaya Xuduud iyo in laga hortago Dhaca loo geysto Xoolaha.
Saraakiisha Urur-gobaleedka IGAD iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa kala saxiixday Heshiis lagu taageerayo Nidaamka lagu maamulayo Xoolaha ku nool dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia.
Heshiiskaasi ayaa lagu micneeyey in lagu xaqiijin doono Sahminta Cudduradda, Ururinta Xogaha tirada Xoolaha iyo Wax-soo-saarkooda, Suuq-geyntooda iyo sidii loo rad-raaci lahaa Xoolaha laga dhco dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa sheegtay inay Mashruuca diiradda ku saari doonaan Bulshooyinka ku nool meelaha ku dhow Xuduudka dalalkaasi, ials markaana Xool-dhqatd la bari doono Dhaqalynta Xoolaha iyo in loo hoos dhigo heerka Abaarta.
Mashruucaasi oo socon doona muddo 5 sanno waxaa maalin gelin doonta Hay’adda dalka Switzerland ugu qaabilsan Horumarinta iyo Iskaashiga ee Swiss Agency for dEvelopment and Corporation, waxaana Hawshaasi maamulkeeda iyo taaba gelinteeda loo xil-saaray IGAD iyo FAO.
©Radio Dalsan