Maamulayaasha Kenyaayaa waxay xalay masaafuriyeen mid ka mid ah Fannaaniinta ugu waa weyn Qaaradda Afrika, Koffi Olomide, kadib, markii laga duubay Filin, isagoo laadayo Haweeney.
Muuqaalka shilkaasi oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ee Nairobi ayaa lagu baahiyey Warbaahinadda ay ku xiriiraan Bulshadda (Social Media).
Fannaanka ayaa loo masaafuriyey caasimadda dalka Kongadda Dimurqadaiga (DRC) ee Kinshasa, isagoo ay wehliyaan 3 ka mid ah Kooxdiisa.
Koffi Olomide waxa uu beeniyey inuu qof dhibaateyey, waxaaana la xiray dhowr saacadood kadib, markii uu u yimid Nairobi si uu uga dhigo Bandhig Faneed.
Koffi Olomide oo 60 jir ah waxa lagu soo oogay inuu laaday mid ka mid ah Haweenkii la socday, inkastoo uu beeniyey Eedeyntaasi.
Waxa uu Wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay inuu ku hawlanaa sidii uu u joojin lahaa gabar doonaysay inay la dagaasho gabdhaha ciyaara ee isaga la socday.
Muuqaal Video ah oo laga baahiyey Telefishinka KTN News ayaa muujinaya iyadoo ay Boliska farageliyeen si ay u joojiyaan weerarka loo geystay Haweeney ay Warbaahinta Kenya ku sheegeen inay ka mid ahayd Haweenka ciyaara ee la socday Fannaanka.
Ma aha markii ugu horreysay ee Fannaanka Koffi Olomide la kulmo dhibaato noocaasi, waxaana sannadkii 2008-dii lagu soo oogay inuu laad ku dhuftay Sawir-qaade ka socday Telefishinka Garaka ee RTGA TV ee dalka DRC, wuxuuna Kameerada Sawir-qaadaha ku jebiyey Tiyaatar ku yaalla Kinshasa.
Sidoo kale, sannadkii 2012-kii waxa uu xarig 3 bilood ku muteystay kadib, markii uu feeray Soo-saarihiisa.
©Radio Dalsan