Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in xabsi ku yaalla halkaas Maanta laga sii daayay Fanaan Khadar Keeyow oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku xirnaa.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in Khadar Keeyow xorriyadiisii dib uu u helay, isla markaana sii deyntiisa uu qeyb weyn ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya ayaa gacan ka wayn ka geystay sii daynta fannaanka oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsi ku yaalla Itoobiya.
Fanaan Khadar Keeyow ayaa waxaa bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya xili uu ka yimid deegaanada maamulka Soomaaliland.