Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Cisadiin Tamiimi ayaa la sheegay in lagu dilay Tuulladda Nebi Salaax ee Daanta Galbeed, waxayna Ciiddanka Yuhuudda ku eedeeyeen inuu dhagax ku dhuftay mid ka mid ah Askartooda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Marxuumka oo 21-jir aha 3 xabbadood looga dhuftay Luqunta, iyadoo fogaansho dhow laga soo toogtay.
Dadka Tuulladda waxay sheegeen inay ASKARTA Yuhuudda diideen in loo gurmado Marxuumka oo dhiig baxayey.
Muquaal ay dadka Tuulladda soo dhigeen YouTube-ka ayaa muujiyey Marxuumka oo dhulka yaalla , iyadoo Askarta Yuhuudda u fidin wax gargaar degdeg ah.
Tan iyo bishii Maarso 30-dii ee sannadkan, Askarta Yuhuudda waxay toogasho ku dileen 119 Falastiiniyiin ku sugnaa Xududuka Qasa.
Â