Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin ahna Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalkaas ayaa waxaa uu sheegay inay soo baxday Digniin sanad kahor soo saaray,taasi oo ku aadan dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya.
Faarax Macalin ayaa waxaa sheegay in siyaasadda arrimaha Kenya haatan ku shaqeyso  ay tahay mid aan wanaagsaneyd,isla markaana u keentay in ganacsatada iyo maalqabeenada Soomaalida ay ganacsigooda ka wareejiyaan Kenya ayna u wareejiyaan dalalka turkiga iyo Itoobiya.
Sidoo kale Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin ayaa waxaa uu tilmaamay in hoos dhac uu ku yimid dhaqaalihii Kenya ka heli jiray Soomaalida.
Ugu dambeyntii Faarax Macalin ayaa waxaa uu xusay in 150,000 qoys oo Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa ay u guureen dalka Turkiga,isla markaana halkaas ay ka iibsadeen Guryo,iyaga oo sidoo kalena Soomaalida ka sii iibiya Guryaha ay dalkaas uga baahan yihin.