Sida qorshuhu yahay waxaa la filayaa in berrito la doorto Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Qaranka, waxaana xilalkaasi ku loolami doona Murashixiin miisaan ku dhex leh Siyaasadda dalka.
Labada Murashax ee sida gaarka loo hadal-hayo ayaana kala ah Guddoomiyihii hore ee BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan†Jawaari†iyo Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo horey u ahaa Wasiiru-dowlihii Arrimaha Gudaha ee XFS ee uu xilligeedu dhamaaday.
Waxaa Hoteelladda magaalladda Muqdisho ka socdo Dhaqdhaqaaqyo xooggan oo la xiriira Ololaha Murashixiinta, waxaana si gaar ah loo dareemi karaa Ololaha Murashaax Xiddig ee uu ugu diyaar garoobayo Doorashadda lagu madalsan berrito oo ay taariikhdu tahay 11-ka bisha January ee sannadka 2017-ka.
Murashax Xildhibaan C/rashiid Xiddig waxa uu Kulamo la yeeshay Xildhibaanadda ka soo kala jeeda Puntland, K/Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo kuwa Reer Muqdisho.
Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, ahna Murashax Madaxweynaha JFS, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dhex muuqday Madaxda taageeradda jibeysan la garab taagan C/rashiid Xiddig, wuxuuna Shariif Xasan rajeynayaa in Guddoomiyaha BFS loo doorto C/rashiid Xiddig, taasi oo ku xiran Fursadiisa Doorashadda Madaxtinimadda ee uu Shariifka taagan yahay.
Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta ka hadlay Kulamadaasi ayaa ka mideysan in loo baahan yahay  Isbedelka Hoggaaminta dalka, si loo helo Siyaasad Mideysan iyo Wada-tashi Guud oo loo dhan yahay.
Xildhibaanadda cusub ayaa u muuqda Dhallinyaro Isbedel-doon ah, isla markaana ka aragti duwan yihiin Xildhibaanadii hore, waxayna u ololeynayaan in la doorto Hoggamiye hanan kara Hawsha loo idmaday.
Hadal-haynta Doorashadda Hopggaaminta BFS u liicdo dhanka kale, oo uu Prof. Jawaari ku guuleysto Xarig-jiidkaasi, waxay taasi dhabaha u xaari kartaa inuu Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee  Xasan Sheekh Maxamuud mar kale loo doorto Madaxweynaha JFS.
Siyaasiyiinta wax naqdiya ayaa sheegay in Xasan Sheekh  la soo tijaabiyey Meerta-madaxeedkiisa soo taxnayd ilaa sannadkii 2012-kii, taasi oo laga dheehan karo Halbeegga Waxaqbadka Dowladiisa ee Ammaan iyo Dhaliil.
Waana hubaal in Madaxweyne Xasan Sheekh culays xooggan kala kulmi karo Doorashadda Madaxtinimadda oo ay kula loolami doonaan Siyaasiyiin iyo Madax isaga la soo shaqeysay iyo kuwo ay ku kala irdhoobeen Siyaasadda aan saaxiibka joogtada lahayn.
Si kastaba ha ahaatee, Loolanka xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Cuusb  ayaana Tusaale u noqon karta Tisqaadista Loolanka Madaxtinimadda, balse waxaa isweydiin mudan Yaa loo saadaalin doonaa xilka Guddoomiyaha BFS, Xildhiubaan Jawaahir mise Xildhibaan C/rashiid  Xiddig.
©Radio Dalsan