21-Murashax Madaxweyne ayaa la xaqiijiyey inay yihiin Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha, iyadoo 329-ka Xildhibaan ee Labada Aqal ee BFS ku guda-jiraan sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha cusub ee JFS.
Si xamaasad leh ayey ku socotaa Cod-bixinta, weyna adag tahay in Doorashadan la musuqmaasaqo ama siyaabo qaldan loo farsameeyo Cod-bixinta.
Murashixiinta Madaxweynaha ayaa u badan Shaqsiyaadka Labada Dhalasho leh (Dual Citizen), mana jiro Qoddob Dastuuri ah oo ka hor joogsanaya inay isku soo taagaan Xilalka Qaranka.
Qoddobka 88-aad ee Dastuurka DFS ayaa si cad u muujinaya inuu Murashaxu noqdo Muwaadin Somali Muslim ah, da’diisa tahay 40-sanno iyo wixii ka sarreeya iyo inuu yahay Shaqsi caafimaad qaba.
Waxaana suurto-gal in Madaxweynaha soo socdo noqdo Muwaadin Labo Dhalasho leh, ma jiro Murashax sheegay haddii loo doorto Madaxweynaha Qaranka inuu ka tanaasulayo Dhalashada Ajnabiga ee uu haysto.
Waana xaqiiqo, haddii uu Murashax Laba Dhalasho leh ku guuleysto xilka Madaxweynaha inay horseedi karto Khatar ku timaada Madax-bannaanida Qaranka iyo sida loogu kalsoonaan karo Madaxweyne dhalashadiisa asalka ee Soomaalinimo ka door bida Dhalashada Shisheeyaha ee la siiyey.
Haddaba, haddaynu u soo laabano Saadaasha Madaxweynaha la filan karo, waxaa la qiri karaa inay jiraan Murashixiin la hadal-hayo inuu midkooda ku soo bixi karo Doorashadda, balse waxaa taasi bedelkeeda dhici karto inuu soo baxo Musharax kale oo aan xisaabta ku jirin.
Qoddobka ugu hadal-haynta badan ayaa ah inay Murashixiinta Madaxweynaha galaangal iyo juhdi badan u galeen Xodxodashadda Xildhibaanadda , iyadoo aan meesha laga saari karin inay jiraan Heshiisyo Qarsoodi ah oo uu Murashax kasta la wadaagay Xildhibaanadda uu codadkooda ku xisaabtami doono.
Waxaa laga wada dheregsan yahay inuu Murashixiinta ka dhexeeyo Loolan ku aadan Kursiga Madaxweynaha, waxaana wax ka soo qaad lahayn Isbahaysiga KMG ee ay inta badan Murashixiinta sheegeen inay isku taageeri doonaan Codadka Doorashadda.
Isbahaysiga KMG ayaa u muuqda mid Awr-ku-kacsasho, waxaan  la og yahay inaysan Siyaasadda lahayn Saaxiib joogta ah ee ay lahayd Danno joogto ah.
Waana hubaal inay Murashixiinta isku dhigayaan Dabin Siyaasadeed sababi karta in Murashaxa aan Feejignayn uu si fudud daaqadda looga tuuri karo.
Waana garawsho xumo haddii ay Murashixiinta ku hodmaan Salaanta aan niyad ahayn iyo beenta loogu sacabka loo tumayo.
Marka aynu qiimeyn iyo xooraansi ku samayno Masraxa Murashixiinta isku garbinayso, waxaa laga dheehan karaa Siyaasiyiin magac iyo miisaan culus leh iyo kuwo mugdi la geliyo Waxqabadkooda iyo Waddaniyadooda.
Si kastaba ha ahaatee, saacadaha soo socda ayaa lagu kala bixi doonaa Doorashadda, lana  ogaan doonaa Murashaxa noqonayo Madaxweynaha la saadaalinayo ee Allow nooga dhig Madaxweyne Caadil ah oo Dadka, Diinta iyo Dalka u horseeda Horumar, Nabad, Caddaalad, Dib-u-heshiisiin, Dowlad-wanaag iyo Midnimo Qaran.
Aamiin.
©Radio Dalsan