Turunturo-siyaasadeed, Â Qabanqaabo isbaaradaysan iyo Xil-gudasho caga-jiid leh ayaa sababtay in la taaba-gelin waayo Doorashadda Tooska ah ee Qof iyo Codkiisa iyo in lagu seeto dheerayo caqabadaha siyaasadda ee dib-u-dhaca baahsan u keenay dadka iyo dalka Somalia.
Waa hubaal in la soo maray maraaxiil kala kaan ah iyo muran siyaasadeed oo aan dhamaad lahayn iyo inuu Mas’uul kasta u ololeeyo Danahiisa, Danaha Beeshiisa ama Kooxda uu Isbahaysiga la yahay.
Waa Dabeecad Siyaasadeed in Loolan muuqda iyo midka dahsoon lagu hardamo, haba ugu darnaadee xilligan oo ay Somalia ku jirto Xaallad cakriran oo khatarteeda leh.
Waxaana la taagan yahay Xilli Kala-guur ah oo wax kasta la filan karo, isla markaana ay dhici karto in Dabaysha Siyaasadda isku rogto Jiho aan maanka lagu haynin.
Soomaalida oo keliyana lagama filan karo Calawsanaanta Xilliga Kala-guurka, balse Dowladaha nagu hareeraysan iyo kuwa Danleyda ah ayaa indhaha ku haya Xaalladda Somalia iyo Natiijadda ka soo bixi doonta Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu madalsan yahay in lagu kala baxo bisha soo socota ee February 8-da, hadduusan isbedel kale ku imaanin Jadwalka sidii horeyba u dhici jirtay.
Murashixiinta Madaxtinimadda ayaa badankooda is-diiwaan geliyey, misna shubay Kharajkii Doorashadda, waxaana la siiyey Shahaadadii Aqoonsiga Murashaxnimo.
Ololahooda Doorashadda ayaana weli socda, iyadoo Murashax kasta xoog iyo xoolo ku bixinayo Loolanka Madaxtinimadda, waxaana hubanti in Musharax waliba  xodxodasho iyo Beer-laxawsi caynba cayn ah ku qancinayo Xildhibaanadda BFS oo iyagu laga sugayo inay u codeeyaan Murashaxa ay u arkaan inuu u qalmo xilka Madaxweynaha soo socda ee Somalia.
Doorashaddan ayaan u sahlanaan doonin sidii Doorashaddii ay Xildhibaanadda Labada Gole ku soo baxeen, iyadoo la og yahay inay Doorashadaasi ku dhacday sifo aan 100% ahayn Doorasho Hufan oo Nadiif ah.
Khubarada falaanqeeya Siyaasadda ayaa rumeysan in Murashaxiinta Madaxtinimadda galangal iyo xodxodasho badan ugu jiraan si ay guul uga helaan maalinta Cod-bixinta, lamana saadaalin karo Murashaxa calfan doono Xilka Madaxweynaha cusub ee JFS.
Qoddobka kale ee culayskiisa leh ayaa ah Murashaxa loo doorto Madaxweyne ma noqon doona Hoggaamiye ka gudbi kara Caqabadaha ku soo burqan doona isla marka loo dhaariyo Xilkaasi?
Waa hubaal inuu Madaxweynaha cusub kala kulmi doono Jaalkiisa  iyo Mucaaradkiisa Siyaasadda  culysyo badan oo isugu jira naqdin iyo mucaarado taagan.
Silsiladaha Caqabadaha ee ku soo faruurmi kara waxaa ka mid ah: Xulashadda Ra’isul-wasaaraha, Qancinta Awood-qeybsiga Maamulka ee Nidaamka 4.5, Jaangoynta Siyaasadda Qaranka, La-dagaalanka Musuqa, Qabyaalladda, Caddaalad-xumida, Gogol-xaarka Hawlaha  Dowlad-wanaagga, Hufnaanta Maamulka Maaliyadda, Daryeelka iyo Xuquuqda Mushaaraadka ka maqan Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Dowladda, Soo-celinta Adeegyadda Bulshadda, Ammaanka, Baahinta Maamulka, Xoojinta Xiriirka Dowladda Dhexe ee Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda, Ganacsiga Xorta ah, Shaqo-abuurka Dhallinyarada, W/barashadda iyo Aragtida cusub ee lagu wajahayo Diplomaasiyadda Caalamka iyo Kalsooni-siinta Beesha Caalamka.
Madaxweynaha cusub waxa hubaal ah inuu Mowjado Mooshin ah  kala kulmi doono Xildhibaanadda, gaar ahaan Mudanayaasha xirfadda u leh Mooshin Abuurka ee xil-ka-qaadista ah.
Khubarada waxay kaloo walaac ka muujinayaan inaan Isbedel lagu samaynin Qoddobadda Dastuurka ee ka dhasha Shilalka Madaxweynaha iyo Ra’isul-waaraha, iyadoo la og yahay in Khilaaf kasta ololkiisa ka kici jirey Kala-qeexsanaan la’aanta Awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.
Waa hubaal inuu  Madaxweynaha soo socda si fudud ugu le’di doonin Villa Somalia, una tooxsan karin Maamulka iyo Maaliyadda, waana khatar haddii Madaxweynuhu noqdo Igar-madaxeed ku turunturooda Xilka Qaranka ee lagu aaminay.
Waxaa Kaaf iyo Kala-dheeri ah sida ay Murashixiinta Madaxtinimadda ku sahwinayaan iyo Xilka Adag ee Madaxweynaha cusub ku faa’isi karo ama ku simbirixan karo.
Haddaba, Murashax Madaxweyne xisaabtankaaga iyo sahwintaada haatan ma u sahlanaan doontaa marka la eego  culayska Xil-gudashadda ee hor yaalla Madaxweynaha 10-aad ee JFS ?
©Radio Dalsan