Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa soo werisay inay Milliteriga Yuhuudda 2 Gantaal la beegsadeen Diyaarad Xamuul oo laga leeyahay Iiraan, oo xilligaasi ku sugnayd  Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.
Ilo ka tirsan Kooxaha Mucaaradka Syria waxay u sheegeen Wakaalladda Wararka DPA inay Yuhuudda ay saqdii dhexe ee xalay 2 Gantaal ku duqeeyeen Dimishiq, oo lala maagnaa Diyaaradda Xamuulka Iiraan ee rarka looga dejinayey  Garoonka Dimishiq.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo la xiriirtay Afhayeenka Milliteriga Yuhuudda waxa u tilmaamay inuusan ka hadli Karin Wararka la xiriira Duqeyntaasi oo ay Shisheeyaha soo tebiyeen.
Mar sii horreysay, Kooxda La-socodka Xaalladaha dalka Syria waxay xaqiijiyeen inay Gantaaladaasi ku dhaceen Bakhaar Hub oo ku yaalla meel aad ugu dhow Garoonka Diyaaradaha ee Dimishiq
Bakhaarkaasi ayaa la shegay inay laheeyeen Maleeshiyada Ururka Xisbullaahi Lubnaan ee qeybta ka ah Isbahaysiga taageera Dowladda Syria.
Sawiro la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa muujinaya Iftiin wada hareeyey Dimishiq, kadib, markii ay duqeyntaasi ku soo dhaceen meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Dimishiq.
Xigasho: DPA & AFP