Maxkamadda Sare ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia, waxay saakayto xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji C/salaam, kaasi oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey Weriyayaal badan oo lagu dilay magaalladda Muqdisho.
Xasan Xanafi oo ahaa Sarkaalka Alshabaab ugu qaabilsana dhinaca Saxaafadda, waxa uu horey u qirtay inuu ku lug lahaa dilalka Weriyayaasha lagu laayey magaalladda Muqdisho.
Xukunka maanta lagu fuliyey Xasan Xanafi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Qeybaha kala duwan  Maxkamadda Ciiddanka Qalabka Sidda,Suxufiyiin ka kala socotay Warbaahinadda ka hawlgala magaalladda Muqdisho iyo qaar ka mid ah Ehelladda Suxufiyiintii uu dilkooda ka dambeeyey Xasan Xanafi.
Dilka maanta lagu fuliyey Xasan Xanafi ayaa yimid labp maalin, kadib, markii ay Maxkamadda Milliteriga xukuno Qisaas ah ku fulisay 2 Eedeysane oo lagu helay inay ka dambeeyeen qaraxii lagu dilay Saxafiyad la oran jirey Hindiya Xaaji Maxamed,oo ka mid ahayd Shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
Marxuumadda waxay ku geeriyootay qarax loogu rakibay gaarigeeda bishii December 3-dii ee sannadkii hore, xilli ay ka soo baxday Jamaacad ay dhigan jirtey.
©Radio Dalsan