Faahfaahin: Nin Somali Norwegian ku eedeysan inuu dad ku dooxay London.
Nin Somali oo  haysta dhalashadda dalka Norwaay ayaa lagu eedeynayaa  inuu xalay dad ku dooxay Koonfurta magaalladda London.
Ninka Soomaaliga ee haysta Dhalashadda Norwegian ayaa la xiray, kadib, markii uu toorey ku dooxay ilaa 6 qof, iyadoo Haweeney u dhalatay dalka Maraykanka oo ka mid ahayd dadkii la dooxay ay u geeriyootay dhaawacii Mindida ee lagu dhuftay.
Dadka kale ee la dhaawacay ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Britain,Australia, Maraykanka iyo Israel.
Kaaliyaha Taliyaha Boliska Dhexe ee Britain, Mark Rowley ayaa sheegay inaysan haynin caddaymo muujinaya in Ninka weerarkaasi geystay yahay Xagjir.
Waxa uu intaasi ku daray inkastoo uu baaritaanka wli socdo haddana ay Boliska wareysiyo la yeesheen Eedeysanaha iyo Qoyskiisa, isla markaana ay Cinwaano kale ka baadi-goobeen Waqooyiga London iyo Koonfurta London.
Boliska Britain waxay rumeysan yihiin inuu Eedeysanaha falkaasi u geystay sababo la xiriira  iagoo dhibaato ka qabay dhinaca Caafimaadka Dhimirka.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Noway ayaa lagu sheegay in  Eedeysanaha isagoo 4  jir ah inuu dalka Britain yimid  sannadkii 2002-dii.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Boliska Britain ka taageeri doonaan  codsi kasta oo la xiriira  baaritaanka Kiiskaasi.
©Radio Dalsan