Ugu yaran gabar yar ayaa ku geeriyootay, 8 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay Tiro Hoobiyayaal ah galabta ku soo dhaceen qeybo ka mid ah Degmadda H/wadaag ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay qaar ka mid ah Hoobiyayaasha ku dhaceen Dugsiga Xasan Qariindi iyo Xero ay ku jiraan Dadka Barkacayaasha oo ku taalla meel aan ka fogeyn Dhismaha Dugsiga Xasan Qariindi.
Maamulka Degmadda H/wadaag ayaa sheegay inay dadka ku dhaawacmay Hoobiyayaasha loola cararay Isbitaalka, si looga daaweeyo dhaawacyadda ka soo gaaray Qaraxaasi.
©Radio Dalsan