Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay Bam lagu tuuray Tareen marayey magaalladda Labaad ee ugu weyn dalka Raashiya ee St Petersburg.
Tareenka la qarxiyey ayaa isaga kala gooshayey Bosteejooyinka  Sennaya Ploshchad iyo Sadovaya.
50-qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, waxayna Baarayaasha heleen qarax kale oo aan weli qarxin.
Goobjooge ayaa sheegay inuu arkay Nin tarenka ku tuurayo Boorsadda dhabarka lagu qaato (backpack), wax yar ka hor inta uusan qaruxu dhicin.
Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin oo ku sugan magaalladda uu ka soo jeedo ee St Petersburg oo uu wada-hadalo kula leeyahay dhigiisa dalka Belarus ayaa xaqiijiyey inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaasi, wuxuuna u Tacsideeyey Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen.
Putin ayaa booqan lahaa halka uu qaraxu ka dhacay, balse  sababo dhinaca Ammaanka ayuu kga baqsaday inuu booqdo  goobtasi.
Waxa uu tilmamay inuu la hadlay Madaxa Hay’addaha Khaaska, wuxuuna sheegay inaysan kala caddayn waxa uu ahaa Qarxaasi.
Sidoo kale, waxa uu xusay inay eegi doonaan dhamaan kiisaska kale ee suurto-galka ah sida (Argagixiso iyo Dembiyadda Guud).
©Radio Dalsan