Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay xalay weerareen Hotel ku yaalla magaalladda Mandera ee Waqooyiga Kenya.
Wargeyska The NATION ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in dadkaasi lagu dhex dilay qolalka ay ka deganaayeen Hoteelkaasi.
Taliyaha Boliska Mandera, Ezekiel Singoe ayaa xaqiijiyey inay 12 qof ku geeriyoodeen Weerarka ay Alshabaab ku qaadeen Hotelka Bishaaro Hotel Lodge ee Mandera.
Waxa uu intaasi ku daray in 10 ka mid ah dadka lagu dilay Weerarkaasi ahaayeen Macallimiin u timid Mandera, si ay u eegaan Waxqabadka Buugaagta Xafiiska Shahaadooyinka Dugsiyadda Sare ee dalka Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarka xalay ka dhacay Mandera ayaa ah kii  Labaad oo wax ka yar muddo hal bil ah lala beegsado dadka Kenyanka ee aan u dhalanin  dadka deggan W/bari Kenya.
Bishan October 5-dii, 6 qof ayaa lagu dilay weerar ay Xarakadda Alshabaab ka geysteen Xaafadda Buulo Bobliko ee Degmadda Mandera.
©Radio Dalsan