Shil khasaare dhaliyay ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho gaar haaa degmada Boondheere ee Gobolkani Bnaadir, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay Shilka.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen Gaari Caasi ah oo dad Rakaab ah ay saarnayeen iyo Gaari weyn oo ah nooca Xamuulka qaada, kaasi oo Baakin ku ahaa waddada geeskeeda.
Shilka ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay Taallada dajirka ee degmada Boondheere, waxaana Gaariga Caasiga ah (B L) saarnaa dad Rakaab ah  kawaasoo kasoo raacay Isgooyska Afarta Darjiin, waxaana uu kusii jeeday Xamarweyne.
Inta la xajiiyay afar Qof ayaa ku dhaawacantay oo uu ku jiro wadihii gaariga, dadka ku dhaawacmay Shilka ayaa waxaa loola cararay goobaha Caafimaadka ee ka agdhaw halka uu shilku ka dhacay.
Darawalka ayaa Gaariga xakamayn waayay ka hor inta uusan shilka galin, waxaana taasi ay keenyay in uu ku yimaado Gaari Xamuul ah oo yiillay wadada geeskeeda, waxaana bur-bur xooggani uu soo gaaray Gaariga Rakaabka ahaaa ee ka yimid dhanka Darjiinka.
Shilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo Boolis ah, waxaana gurmad loo fidiyay dadka dhibaatadu kasoo gaartay shilka, iyadoo uu hakad galay isku socodka waddada, waxaana waddada shilku ka dhacay lagu magacaaba Jeneraal Daa’uud taasi oo isku xirta Isgooysyada Taalada Dajirka iyo Siinaay, waxaana xusid mudan in waddada shilku ka dhacay dhawaan dayactir lagu sameeyay.
Shilalka noocaan ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, iyadoo ay tiro dhowr jeer ah soo noq-noqdeen dhacdooyinkani, waxaana loo sababeeyaa wadayaasha Gaadiidka oo aan laahyn xirfad ku filan iyo waddooyinka oo aad u mashquul badan.