Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Maanta barqinamadii lagu dilay degaanka Ceelasha Biyaha Nabadoon caan ah, waxaana la sheegay in lagu dilay goob Aroos ah oo uu ku sugnaa nabadoonku.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Siidoow, waxaana dilay dabley hubeysan oo markii ay falka fuliyeen goobta isaga baxsaday.
Goob joogayaal ku sugnaa halka falku uu ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyay in dilku uu dhacay xili Nabadoonku uu ku sugnaa xaflad Aroos oo ka dhacaysay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.
Laamaha ammaanka ayaa gaaray halka uu falku ka dhacay, waxaana ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii dilka u gaystay Nabadoonka.