Wararka aan ka helayno Magaalada Xudur ee  Gobolka Bakool ayaa ku warramaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Koonfur Galbeed uu ka dhacay Magaladaas.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Koonfur Galbeed Magaalada Xudur, waxaana lasoo sheegayaa in uu khasaare kala duwani uu ka dhashay dagaalkaas.
Goob joogayaal ku sugan Xudur ayaa ku warramay in ay maqlayeen jugta hubka kala duwan ee la isku adeegsanayay, balse lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas ka dhacay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Saraakiisha Ciidanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al-shabaab, inkastoo aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka.