Wararka aan ka helayno degaanka Karo oo 11 km u jira Magaalada Mandheera ayaa ku warramaya in Al-shabaab ay bur-buriyeen Birta Isgaarsiinta Safaricom oo degaankaasi ku taallay, waxaana lasoo sheegaya in isgaarsiintu ay maqan tahay.
Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta Shirladda Safaricom ay ku leedaahy degaankaas, balse waxaa ay iska caabbin kala kulmeen Ciidanka KPR-ta oo la sheegay in ay ilaalo ka hayeen Xarunta.
Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in wali isgaarsiinta Shirkaddaasi ay degaanka ka maqan tahay, waxaana dadka degaanku aysoo sheegayaan in tan iyo xalay ilaa hadda ay yihiin kuwo aan haysnin Adeegga Isgaarsiinta shirkadda.
Al-shabaab ayaa weero waxaa ay ka gaystaan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo mararka qaarna ay weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka gaystaan Gudaha dalka Kenya, waxaana dagaalamyaasha Al-shabaab ay horay weeraro ugu qaadeen Goobo waxbarsho oo ku yaalla Xuuduudka iyo Gudaha Kenya.