Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax miino lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  Midowga Afrika ee AMISOM.
Qaraxaan miino ayaa waxaa dad ku sugan Balcad ay sheegeen in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Wadada xiriirisa Balcad iyo tuulada Qalimoow gaar ahaan meel u dhow Ceelka-Geelow,isla markaana mid ka mid ah gawaarida AMISOM uu haleeyey.
Kolonyadan ka mid ah Ciidamada AMISOM aya ka tegay Magalada Muqdisho,iyaga oo ku sii jeeday Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle,basle qarax lala eegtay.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaasi uu ka dhashay wallow saraakiisha ciidamada dowladda iyo Maamulka degmada Balcad aysan weli ka hadlin.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida AMISOM,sidoo kalena ay ku geeriyooden ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo kolonyaa la socday.