Magaalada Muqdisho Xalay waxaa ka dhacay weeraro is xig-xigay oo lagu qaaday labo Saldhig oo ay leeyihiin labo ka mid Degmooyinka Gobolkanai Bnaaadir, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaaddan weerarada xalay lagu qaaday Saldhigyadaaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Xalay la weeraray Saldhigyada degmooyinka Kaarasan iyo Hodan, waxaana weeraradu ahaayeen kuwo loo adeegsaday Bom-gacmeedyo, sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.
Weerarka koowaad ayaa lagu qaaday Saldhigga degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir, waxaana xigtay rasaas xooggan oo ay fureen Ciidanka Saldhigga ku sugnaa.
Sidoo kale warar aynu hebnlay ayaa sheegaya weerar kaa la mid ah lagu qaaday Saldhigga degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir, iyadoo dadka degaanka ay inoo sheegeen in ay Maqleen jug xooggan, kadibna ay xigtay Rasaas ay fureen Ciidanka Saldhigga.
Wali lama soo warin wax khasaaro ah oo ka dhashay weeradaasi, sidoo kale laamaha ammaanka faah faahin kama aysan bixin.