Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Snaaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe weerar lagu soo qaaday Saldhig Ciidamo ka tisan Booliska Somaliland ay ku leeyihii halkaas.
Weerarka ayaa waxaa la shegay inay soo qaadeen rag hubeysan, waxaana intaas kadib uu dagaal kooban uu dhexmaray Ciidankii ku sugnaa Saldhiga iyo raga weerarka soo qaaday.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, In kastoo aysan xaqiijin Karin inta uu la egyahay.
Warar la helayo ayaa sheegaya in ragga weerar ku soo qaaday Saldhiga Somaliland ee Magaalada Ceerigaabo ay ka tirsan yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre oo dagaal adeg ku jirta Maamulka Somaliland.
Sidoo kale ragii hubeysanaa oo iska cabin kala kulmay Ciidanka Booliska Somaliland ee Ceerigaabo ayaa halkaas isaga baxsaday, waxaana la soo sheegayaa inuu socdo howlgal lagu raadinayo raggaas.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Somaliland oo ay uga hadlayaan dagaalkii xalay ka dhacay Ceerigaabo, kaasi oo ka dhashay weerar ay soo qaadeen rag ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre.