Weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.
Weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan ayaa koox hubeysan waxaa ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka baxsaday raggii ka dambeeyay falka.
Inta la xaqiijiyay saddex qof oo kamid ahaa dad joogay goobta ayaa ku geeriyooday weerarka dhacay, halka laba qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo durbo la dhigay Xarun Caafimaad, si loogu dabiibo.
Laba kamid ah dadka dhintay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Liiban Cumar iyo Cumar Nuur Colow oo kamid ahaa Ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb, waxaana saddexda qof ee geeriyooday la aasi doonaa Maanta.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caasimadda maamulka ka wada baaritaano kala duwan oo ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan dadkii dambeeyay weerarkii khasaaraha dhaliyey ee xalay dhacay.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro ay geystaan rag hubeysan, waxaana xusid mudan in laamaha amniga Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan ay qabteen dad horey Magaalada weerar uga geystay.