Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Caawa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hooseku dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Taliska Booliiska Afgooye ayaa shaaciyay in dagaal uu meel duleedka ah Afgooye uu ka dhacay isla markaana ay iska difaaceen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Degmada Afgooye.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay Maqleen rasaasta ay isweeydaar sanayeen labada dhinac balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Bogga ay Wararka ku qoraan waxa ay ku daabaceen in ay Gudaha u galeen Degmada wolow laamaha amniga Afgooye ay beeniyeen Warkaas.