Shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho ah ayaa xalay ka dhacay inta u dhxeeysa Gobolada Nugaal iyo Karkaar ee Puntland, waxaana shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaadiid kala duwan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in shilkaas uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Shire oo qiyaastii 150KM u jira Magaalada Garoowe, iyadoo shan gaadiid oo nuuca xamuulka qaado ah oo jihooyin kala duwan ka yimid ay isku dhaceen, xili ay marayeen deegaanka Shire.
Laba ruux oo kaliya ayaa ku geeriyooday shilkaas, mana jirin khasaaro kale oo lasoo weriyay, waxaana goobta ku baaba’ay hanti farabadan oo gaadiidkii isku dhacay ay wadeen, iyadoo mid kamid ah gaadiidka uu siday kalluun badan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli mid kamid ah dadkii dhintay uu Meydkiisa ku hoos jiro gaari, isla markaana aan laga soo bixin, balse waxaa Garoowe ka tegay qaar kamid ah dadka deegaanka, si ay u soo qaadan Meydka in muddo ah yaalla halkaas.
Todobaadkii lasoo dhaafayay ayay aheyd markii habeeno isku xig-xigau uu shil khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal una dhow Caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe.