Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadma ah oo lagu qaaday Ciidan ka tirsan Millatariga Soomaaliya oo ku socdaalayay Gobolka Galduud.
Wararka aan ka helayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in Malleyshiyaad hubeysan ay dhabbada u galeen Ciidanka Millateriga oo ku sii jeeday degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud, waxaaana Ciidanku ay ka bixitimeen magaalada Guriceel ee isla Gobolkaasi Galduud.
Weerarka dhabba galka ah ayaa waxaa ka dhashay khasaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Ciidanka Socdaalayay, waxaana wararku ay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhinteen afar Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga, waxaana ku dhawacmay Seddex kale sida ay ku warramayaan wararka soo baxaya.
Saraakiisha ayaa ka yimid magaalada Guriceel, halkaasi oo la sheegay in ay imtixaan ciidanimo looga qaaday, waxaana loo dilay arimo la xariira anooyin qabil sida warar hoose ay sheegayaan.