Kolonyo ay la socdeen Ciidanka ka tirsan Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Uganda ayaa duhurnimadii Maanta waxaa qaraxayo lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Qaraxyada oo ahaa kuwa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka AMISOM lagula eegtay, xili ay ku socdaal ku marayeen inta u dhexeeysa deegaannada Danoow iyo Shalaambood ee dhaca duleedka degmada Marka ee Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa ku warramay inay maqleen jugta qaraxyo dhacayaY, ayna arkeen uuro Cirka shareertay, waxaana intaas kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidankii AMISOM ee socdaalka ku jiray.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaal kooban uu dhexmaray Ciidanka Uganda iyo rag ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay meel ku dhow Danoow, waxaana dagaalka iyo qaraxyada ka dhashay khasaaro, wallow tirada aan la shaacin.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in laba qarax ay la eegteen Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, kadibna uu xigay weerar, waxaana Ciidankaas ahaayeen kuwo sahay isku gudbinayey.
Si kastaba dhowr jeer oo horey ayaa sidaan oo kale Shabaabka qaraxyo kala duwan ula eegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, xili socdaal ku marayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo khasaaro geystay.