Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo habeenkii xalay aheyd ka dhacay Xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugta laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ku yaalla degmadaas.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay waxyaabo qarxa oo ay garaaceen Caruur yar, waxaana uu sigaar uga dhacay agagaarka aargada laga galo degmada Dayniile.
Dad tegay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Idaacadda Dalsan u sheegay in halkaas ay ku dhinteen laba Caruur ah, halka mid kalena oo la jootgay uu soo gaaray dhaawac, isla markaana loo qaaday Xarun Caafimaad.
Caruurta waxyeelada soo gaartay ayaa kamid ahaa dadka deegaanka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay sidoo kale tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacday qarax ka dhashay waxyaabo qarxa oo ay gaareen Caruur yar yar, waxaana ku geeriyootay laba Caruur ah.