Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaas oo ahaa Miino la dhigay laamiga dhinaceeda ayaa qaraxday xili haweenka ka shaqeeya nadaafada ee dowladda Hoose Xamar howlo Qashin guris ah ay ka wadeen agagaarka Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka ayaa waxaa ku geeriyootay Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha dowladda Hoose ee Nadaafadda ka shaqeeya, waxaana ku dhaawacmay saddex ruux oo kale.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxas ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo Xaaladooda Caafimaad.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxas ka dhacay, iyagoona xiray aaga, sidoo kalena ka sameeyay baaritaano la xiriira qaraxa.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay kla dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.