Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro geystay oo Duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda xili ay marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha, isl markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugnaa.
Al-shabaab oo ka hadlay qaraxaas ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa waxaa sheegeen in qaraxa ay la eegteen askar ka tirsan dowladda oo gelbinayay Saraakiil Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dhaawaceen sarkaal katirsan dowladda Turkiga oo qeyb ka ahaa kolonyada qaraxa lala eegtay.
Qaraxyo kala duwan ayaa dhowr jeer ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.