Wararka laga helayo Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas duhurnimadii Maanta uu ka dhaca qarax Khasaaro geystay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino la geliyay dhulka,isla markaana uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla Degmada Buulo-burte.
Ugu yaraan laba ruux shacab ah ayaa la tilmaamay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo loola cararay Isbitaalka guud ee Buulo-burte,hayeeshee ma jiro Khasaaro kale oo ka dhashay qaraxa.
Suuqa uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la xusay in todobaadkiiba mar ay isugu yimaadan dad xoolo dhaqato ah iyo ganacsato halkaas keenta Caanaha iyo khudaarta,iyagoona ka keena tuulooyinka hoostaga Buulo-burte.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta halkaas ka dhacay.