Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay Meel ku dhow Xarunta Hay’adda dembi-baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga lagu soo xiray qaraxa ayaa ahaa noociisu SRUF,isla markaana waxaa uu ku qarxay Wadada laamiga ah,waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu soo xiray uu lahaa Nin lagu magacaabo Daahir Xasan Xuseen Daahir Deyniile marna soo noqday Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug ,isagoo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.
Sidoo kale waxa uu horey Daahir u soo noqday Guddoomiyihii hore ee Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir,xiligaas uu Madaxweyne dalka ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu qaraxa dhacay tegay,iyagoona halkaas xiray,waxaana Daahir Deyniile dhaawaciisa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.