Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa sheegayaan in gelinkii dambe ee Maanta halkaas qarax Xoogan uu ka dhacay.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana uu qarxay xili uu marayay inta u dhexeeysa deegaanada Dabagalo iyo Miliqo oo qiyaastii 55-KM u jira Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay arkayeen Uuro madow oo cirka isku shareertay, taasi oo ka baxeysay gaariga qarxay oo noociisu lagu tilmaamay inuu ahaa Leylo Calaawi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu Khasaaro kasoo gaaray dadkii la socay gaariga oo halkaas ku geeriyooday, in kastoo aan la sheegin tirada dadka la socday.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Gobolka Mudug oo ku aadan qaraxaas ka dhacay, waxaana uu kusoo aadaya, iyadoo habeeno kahor qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.