Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,kaasi oo lala eegtay gaari Qooqan ah oo ay la socdeen qaar kamid ah Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka ah,isla markaana Injineerada lagula eegtay Inta u dhexeysa Jaamacadda shabeelle iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim xili halkaas ay socdaal ku marayeen.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ,kaasi oo dhaawaciisa la sheegay inuu yahay mid fudud.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaary Askar ilaalo u aheyd Injineerada,kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay,waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay Inta u dhexeysa Jaamacadda shabeelle iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim,kaasi oo lala eegtay gaari ay lahaayeen Injineerada dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.