Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay fal dhaawac loogu geystay mid kamid ah Nabadoonada deegaanka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in falka lagu dhaawacay Nabadoonka uu ka dhacay agagaarka Gurigiisa oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Boosaaso, isla markaana waxaa Ninkaas dhaawacay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.
Nabadoonka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle, isagoo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Gobolka Bari, waxaana goobta falka uu ka dhacay ka baxsaday ragii hubeysnaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso ayaa daqiiqado kadib tegay goobta, waxaana halkaas laga soo qaaday dhaawaca Nabadoon Cabdullaahi Sugulle oo ahaa mid Culus, iyadoona la geeyay Xarun Caafimaad.
Sidoo kale Ciidamada ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay Xaafaddo ka tirsan Magaalada Booaaso gaar ahaan kuwa ku teerdasan Xaafadda uu ka dhacay falka dhaawaca ah.
Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana muddooyinkii dambe gudaha Magaaladaas ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen rag dhalinyaro ah oo hubeysan Bastoolado.