Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada Caanka ahaa Gobolka Bari.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay xaafadda lagu magacaabo New Boosaaso, isla markaana waxaa Nabadoonka u geystay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.
Allaha u naxariistee Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Caaqil Axmed Askar, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.
Intaas kadib Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Boosaaso ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona kasoo qaaday Meydka, waxaana Ciidanka halkaas ay sameeyeen baaritaano kooban oo lagu raadinayo ragii hubeysnaa ee falka geystay.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacaayay dilal qorshaysan oo ay geysanayan ragga ku hubeysan Bastooladaha, waxaana dilalka inta badan sheegta Al-shabaab iyo Daacish.