Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay saddex kamid ah Guddoomiye waaxeedyada degmadaas.
Dad ku sugan Baardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in saddexda Guddoomiye ee la dilay laba kamid ah la gowracay, halka mid kalena la toogtay, waxaana Meydadkooda la helay Xaafad ka tirsan degamadaas.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka Guddoomiye waaxeedyada ka tirsanaa maamulka Degmada Baardheere ay ka dambeeyeren rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Sidoo kale Guddoomiyeyaasha la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray ee degmada Baardheere, Jibriil Maxamed iyo Cabdi Santuur oo ahaa Guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan dilka iyo gowraca Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaas loogu geystay Degmada Baardheere.