Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu dhawaaqo liiska golaha cusub ee wasiirada, iyadoo xafiiska ra’isul wasaaraha ay ka socoto qabanqaabadii ugu danbeysay ee ku dhawaaqista golaha wasiirada.
Ra’isul wasaare Xassan Cali kheyre aya lafilayaa waxyara kadib inuu ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusub ee xukuumada.
Wariyaha Radio Daslan Saleemaan Xaaji Axmed Raage  oo ku sugan xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa soo sheegaya in waxyar uun kadib lagu dhawaaqi doono wasiirada ayna ku suganyihiin badankood  xafiiska , waxaana ku jira siyaasiin hore usoo qabtay xilal kala duwan.
Waxaa hada hadlaya ra’isul wasaare Kheyre oo sheegaya inuu jiri doono isla xisaabtan dhab ah khudbadiisa kadibna ku dhawaaqi doono liiska wasiirada cusub.