Waxaa faah faahinno laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari yar oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo ka dhacay maanta meel waxyar u jirta wasaaradda gaashaandhiga, iyadoo ay soo baxayaan wararka la xariira khasaaraha qaraxaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen Lix ruux, halka ay waxyeelo dhaawac ka soo gaartay Toddobakale.
Wararka Dalsan ay ka heshay qaraxaas ayaa sheegaya inuu ka badbaaday taliyaha cusub ciidamada xoogga Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kolonyo uu la socday taliyaha.