Qarax xooggan ayaa goordheyd ka dhacay Magaalada Baladweyne e Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo gaystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka aynu hilayno ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaraxu uu ahaa Ismiidamin, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah Xildhibaanad Aaamina Maxamed Cabdi, oo ka mid ahayd Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Qaraxa ayaa ka dhacay afafka hore ee Madaxtooyada Baladweyne, waxaana Goobta uu Qaraxu ka dhacay ay haatan aay tahay h mid kacsan, iyadoo lasoo sheegayo dad badan ay ku dhinteen Qaraxa.
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah, mana la ogaan karo maaddaama wali xaalad jahawareer ah ay ka taagan tahay Baladwyne.
Goobaha Caafimaadka ayaa hatan loo daabulayaa dadka dhaawacyada ah, iyadoo ay jiraan dad xaaladdooda laga dayrinayo.