Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.
Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas u ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa gaari ay leedahay Shirkadda SUPER iyo gaari kale oo raaxo ah.
Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay laba ruux, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana sidoo kalena goobta laga jiiday baabuurta isku dhacday.
Maxamed Cabdikariin Cumar oo ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa kamid ahaa labada ruux ee ku dhintay shilkaas Maanta ka dhacay duleedka duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Si kastaba shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale uga dhaceen duleedka Garoowe iyo degaano hoostega Magaaladas, waxaana inta badan loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare lagu wado.