Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay khasaaro dhaawacyo oo barqanimadii Maanta ka dhacay deegaan hoostega demada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca dadweynaha raacaan ee Hoomeyda iyo gaari kale oo Laan-guruusal ah, waxaana uu ka dhacay deegaanka Sagaal Geed ee hoostega Buulo-burte.
Sidoo kale dadka ayaa waxaa ay sheegeen in shilka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo saarnaa gaariga Hoomeyda oo 5 kamid ah dadka ay yihiin Rag, halka qof kalena ay dumar tahay, waxaana dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Buulo-burte.
Dad goobta ka agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay, waxaana halkaas laga jiiday laba gaari ee isku dhacay oo Sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen in qeybo kamid ah gaadiidka uu burbur gaaray.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay shilal geystay khasaaro, waxaana la sheegay in inta badan shilal ay ku yimaadan gaadiidka oo xawaare sare loo wado iyo waddooyinka qaarkood oo burbursan.