Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta oo jimco ah ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala beegsaday Wasiirkii Wasaaradda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladdiisa ah oo xilligaas kasoo baxay Masjid ay kusoo tukadeen salaadii jimcaha.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Wasiir Xasan Ibraahim Lugbuur iyo qaar kamid ah ilaaladdisa oo la socday, sidoo kalena waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray farabadan oo shacab ah oo wadada marayey.
In ka badan 10 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.
Maalmo kahor ayey aheyd markii Qarax Is-miidaamin ka dhacay Magaalada Marka lagu dilay Guddoomiyihii Magaaladaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo xubno kale oo la joogay, mas’uuliyada qaraxaas ayaa waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.