Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo caawa lagu weeraray Hotel ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Hotelka la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka C/casiis C/llaahi Qooje iyo saraakiil kale.
Dad goobjooogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga qaraxay lagu dhuftay Albaabka hore ee hotelka, waxaana kadib xigtay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Lugta iyo Taliyaha qeybta 21-aad iyo Saraakiil kale ee halkaas ku sugneyd.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo xiligaas goobta ka agdhawaa, In kastoo aan si rasmi ah weli loo ogeyn dadka wax ku noqday maadaama xili habeen ah ay tahay.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Gaalkacyo ayaa buux dhaafiyay hotelka uu qaraxu ka dhacay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee halkaas ku yaalla.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, hayeeshee weerarada noocan oo kale ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.