Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysnaa Bastoolado oo Caawa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Nabadoon Caan ka ahaa halkaas.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Nabadoonka la dilay xili uu marayay waddo ku taalla Kismaayo, isla markaana lagu dhuftay dhowr xabadood.
Sidoo kale Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Nabadoon Saciid Adoon kana mid ahaa waxgaradka deegaanada Jubbaland.
Ragii ka dambeeyay Dilkiisa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Jubbaland, iyagoona sameeyay baaritaano aan wax natiijo ka soo bixin.
Dilkaan Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Saciid Adoon ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Caawa maqribkii Degmada Afgooge lagu dilay Nabadoon Caan ka ahaa halkaas oo lagu magacaabi jiay Ibraahim Maxamed.