Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil gabaldhicii Maanta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir loogu geystay Jeneraal ka tirsanaa Ciidanka Milatariga dowladda oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Qasaay oo ku magaca dheeraa Yuusuf Cagey.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in dilkaan uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Gurigii uu deganaa Jeneaalka, kaasi oo ku yaallay Ex-Warshadii caanaha ee Degmada Hodan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya in dilka loo geystay Yuusuf Cagey, waxaana la sheeayaa inuu falkaas ka dambeeyay Gashanle sare oo isna ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka, waxaana la xusay in labadood uu ka dhexeeyay muran la xiriira dhul.
Sidoo kale warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in dilkaas ay ka dambeeyeen rag dhalinayro ah oo watay Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona kasoo qaaday Meydka Yuusuf Cagey, kaasi oo ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana socda baaritaano ku aadan dilka.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dilkii loo geystay Yuusuf Cali Qasaay oo ku magaca dheeraa Yuusuf Cagey.