Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saaka xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka lagu toogtay xaafadda Laabeeriya ee degmada Waaberi, xili uu ku sugnaa goob lagu shaaho oo ku taalla halkaas, isagoo u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Xaaji Leged, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa Saraakiisha canshuuraha qaabilsan ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona goobta markii dambe ay ka baxsadeen dadkii ka dambeeyay falkaas.
Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Marxuumka, ayna Ciidamada ay isaga tageen markii ay qaateen Meydka halkaas.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay dilla loo geysanayo dad shacab ah iyo shaqaalo ka tirsan dowladda, inta badan dilalka qorsheysan iyo weerarada ka dhaca Caasimadda ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.