Warar dheeraad ah ah ayaa ka soo baxaya Dabley bastoolado ku hubeysneyd oo xalay duleedka degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ku dilay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Askarta xiliga la dilaayay ay ku sugnaayeen Ceel-biyood ku yaalla duleedka Buulo-burte, iyagoona u geeriyooday rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.
Intaas kadib ragii falka fuliyay ayaa goobta ugu baxsaday dhul howd ah oo ku yaalla halkaas sida la sheegay, isla markaana waxaa goobta dilka ka dhacay tegay Askar ka tirsan Maamulka Buulo-burte, iyagoona halkaas ka soo qaaday Meydka laba Askari.
Wararka naga soo gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas Ciidanka dowladda ay ka wadaan howlgalo kala duwan oo ay ku baadi goobayan ragii ka dambeeyay dilka Askar ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Soomaaliya.