Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo duhurnimadii Maanta oo jimco ah ka dhacay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.
Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Saldhiga degmada Warsheekh.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac oo soo gaaray hal ruux oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, sidoo kalena la kala qabsaday qoryo.
Dagaalkii ka dhacay Waraheekh ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira muran dhul oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Maxkamadda degmadaas, waxaan dhulka isku heysta sida la tilmaamay maleeshiyo beeleedka dagaalka uu dhexmaray.
Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ew Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay, wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisad u dhexeeysa labada dhinac.
Si kastaba deegaano hoostega Warsheekh ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aanooyin, waxaana xusid mudan in beelaha qaarkood heshiisyo kala dhex-dhigay, halka kuwo kalena lagu guuleysan waayay in la heshiisiiyo.