Faah faahino ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada ka tirsan dowladda Federaalka oo Maanta ka dhacay Xaafada Tarabuunka ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan dowladda oo u abaabulan hab Beeleed ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira dhul ku yaalla Xaafada Tarabuunka, waxaana labada dhinac ay isdhaafsadeen rasaas xoogan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu ahaa mid socday muddo, isla markaana hakad geliyay isku socodka dadka iyo ganacsigii halkaas jiray.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu geystay Khasaaro isug jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidamadii ku dagaalamay Xaafada Tarabuunka, In kastoo aan la si dhab ah loo xaqiijin.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tarabuunka.