Wararka ay helayso Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof damacsanaa in uu ismiidaamiyo lagu toogtay meel aan ka fogeyn Saldhigga tababarka ee Turkisom ee magaalada Muqdisho,waxaana kasoo baxaya faahfaahino.
Qofkaan oo xirnaa walaxaha qarxa ayaa la sheegay in uu damacsanaa in uu isku qarxiyo ciidamo tababar uu uga socday gudaha Saldhigga tababrka ee Turkisom isaga oo aan u jeedkiisii gaarina ay toogteen ilaalada Xerada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa dalsan u sheegay in markii la toogtay kadib jugta qaraxa la maqlay,iyada oo wararku ay sheegayaan in qofka qaraxa uu ku xirnaa uu damacsanaa in uu isku qarxiyo  saraakiil feel ku jirtay oo loo diyaarinayo tababar leyli Sarkaal,ilaa iyo haatana lama oga khasaaraha ka dhashay.